Guddoomiyaha baarlamaanka dalka Moses Wetang’ula oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladda ee KBC ayaa wacad ku maray inuu ilaalin doono madax bannaanida baarlamaanka.
Waxaa uu sheegay inay ku dadaalayaan sidii loo xoojin lahaa kalsoonida ay shacabka ku qabaan golaha qaran ee xeer dejinta si gaar ah gudashada waajibaadka ka saaran kormeeridda howlaha dowladda iyo la xisaabtankeeda.
Sido kale waxaa uu tilmaamay inuu wanaajin doono xiriirka ka dhexeya baarlamaanka , garsoorka iyo golaha fulinta ee dowladda.
Mar wax laga weydiiyay sababta uunan baarlamaanka tallaabo uga qaadin lacagaha intii wadanka laga dhaco lagu keydsado akoonnada dibadda ayuu Wetangula sheegay in mudanayaasha aynan awooddaasi lahayn oo tani ay tahay howl u tallo maamullo kale .
Moses Wetangula waxaa uu sheegay inay ku howlan yihiin sidii wasiirrada dowladda dhexe ay su’aallo uga dhex jawaabi lahaayeen baarlamaanka iyadoo ay kenyaanka si daawanayaan telefishinnada.
Sidoo kale waxaa uu cadeeyay inuu warbaahinta fursad u siin doono inay si toos ah u tabiso kal-fadhiyada guddiyada baarlamaanka iyadoo xor u ah arrintan oo aan lagu faragelin.