Aisha Jumwa: Waxaan billaabaya qorshe lagu kordhinayo musharaadka shaqaalaha dowladda

0
234

Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka Aisha Jumwa ayaa shaaca ka qaaday in 100 cisho ee nagu soo aadan gudahooda mushaar korhin loo sameynaya shaqaalaha dowladda.
Waxaa ay xustay in dowladda ay qorsheysay in la sameeyo isbedello badan oo lagu horumarinayo adeegyada dadweynaha guud ahaan wadanka.
Wasiirradda ayaa carrabka ku dhuftay in shaqaalaha dowladda ay niyad xumi ka muujiyeen arrimaha la xiriira mushaaraadkooda iyo gunnooyinka kale, islamarkaana ay filaysa in 100-ka maalmood ee ugu horreeya ee xafiiska joogto ay billaabi doonto qorshaha mushaar kordhinta shaqaalaha dowladda.
Aisha Jumwa ayaa intaasi ku dartay in wax ka yar hal milyaan oo shaqaalaha dowladda ah ay u adeegaan 50 milyan ah oo Kenyaan ah.
Waxaa ay xustay in ay dib u eegis ku sameyn doonto sharciga mushaaraadka ee ismaamullada, iyadoo meesha ka saartay sheegashada dowlad deegaannada ee ah in shaqaalaha ay badan yihiin sidaas awgeedna ay u baahan yihiin dhaqaale ku filan oo ay ku bixiyaan mushaaraadka.
Aqalka sare oo sharci ahaan qaabilsan howlaha dowlad deegaannada ayaa sheegay in ismaamullada ay musharaad ku bixiyaan in ka badan boqolkiiba 35 sida uu dastuurku u oggolyahay.
Tallaabada lagu tayeynayo adeegyada dadweynaha ee 47-da ismaamul ee uu wadanka ka kooban yahay ayay Aisha Jumwa sheegtay in wasaaradda ay dib u eegis ku sameyn doonto saacadaha shaqada dhammaan 52-ka xarumood ee shacabka loogu adeego ee Huduma ee guud ahaan dalka.
Waxaa ay intaasi ku dartay in sidoo kale ay hirgelin doonaan xarumo badan oo dadweynaha loogu adeego.