Australia oo iskaashi militari la yeelanaysa Indonesia

0
240

Dowladda Australia ayaa sheegtay inay ka go’an tahay inay sare u qaado iskaashi militari oo kala dhexeynaya Indonesia.
Wasaaradda gaashaandhigga ee Australia ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay inay sii wadi doonto inay tababarro militari siiso ciidamada Indonesia , in labada dowladood ay sameyaan howlo wadajir ah sidoo kalena hub la gaarsiiyo Indonesia.
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Anthony Albanese oo la soo dhisay bishii Shanaad ayaa sheegtay inay ku dadaali doonto sidii ay garab buuxa u siin lahayd ciidamada difaaca ee dalka Indonesia.