Ruushka oo doonayo in Qaramada Midoobay ay ka mid noqoto dhexdhaaxadiyayaasha wadahadaladda Ukraine

0
188

Ruushka ayaa jeclaan lahaa in Qaramada Midoobay iyo dalal kale ay ku daraan wadahadallada ay la yeelanayaan Mareykanka ee ku saabsan xabbad joojinta qeyb ka ah Ukraine.
Grigory Karasin ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee TASS in ay sii wadi doonnaan wadahadalada ayna jecaalni lahaayeen in wadahadaladda lagu soo daro beesha caalamka, marka loo eego Qaramada Midoobay iyo dalal kale.
Arrintan ayaa imaanaysa maalin un ka dib markii kooxaha Mareykanka iyo Ruushka ay 12 saacadood oo wadahadal ah ku yeesheen Sacuudi Carabiya.