In ka badan 60 kiis oo la xiriira daacuunka oo laga xaqiijiyay dalka

0
312

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in cudurka daacuunka uu ka dillaacay gudaha wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay 61 xaaladood oo daacuunka ah ay ka xaqiijisay 6 ka mid ah dowlad deegaannada dalka.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka wadanka Dr. Patrick Amoth ayaa sheegay in ismaamulka Kiambu laga diiwaangeliyay 31 xaaladood oo ah kuwa cudurka daacuunka ,Nairobi (17), Murang’a (1),Kajiado iyo Nakuru min labo kiis iyo Uasin Gishu (8).
Waxaa uu Amoth sheegay in ka dib xaflad aroos oo ka dhacday ismaamulka Kiambu la xaqiijiyay kiisaska daacuunka.
13 ka mid ah dadka uu haleelay daacuunka ayaa isbitaallada ku jiro, 8 ayaa la daaweeyay oo xarumaha laga saaray halka 40 kale oo bukaan socod ah la daryeelay.
Dr. Amoth waxaa uu intaasi ku daray in wasaaraddu ay digniin soo saartay iyadoo sare u qaaday baaritaannada iyo howlaha kormeerka caafimaad.
Sidoo kale waxaa la xoojinaya nadaafadda deegaanka si loo xakameeyo faafitaanka cudurka.
Wasaaradda ayaa dhammaan ismaamullada dalka heegan sare gelisay maadaama laga cabsi qabo in abaarta jirta ay xaaladda ka sii dhigto mid cakiran.