Xuska qaran ee halyeeyada oo maanta la qabanaya

0
302

Waxaa maanta dalka looga dabbaal degaya maalinta qaran ee halyeeyada.
Xuskan ayaa la qabtaa 20-ka bisha Tobnaad ee sanad waliba waxaana la sharfaa dadkii u soo halgamay xurriyadda wadanka iyo shakhsiyaadka horumar saameyn leh ka sameeyay waaxyaha kala duwan.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa kenyaanka ku hoggaamin doono xuska qaran ee halyeeyada oo ka dhacaya beerta Uhuru Gardens.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in ugu yaraan 20,000 oo qof oo ay marti sharaf ka mid yihiin ay ka qayb geli doonaan dabbaal degga maanta.