Qareenka lagu magacaabo Miguna Miguna oo wadanka laga musaafuriyay sanadkii 2018-kii ayaa hadda Kenya dib ugu soo noqday.
Miguna oo warbaahinta kula hadlay gagida caalamiga ee diyaaradaha JKIA ee magaalada Nairobi ayaa u mahadceliyay maamulka talada wadanka la wareegay ee William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.
Waxaa uu sheegay in mas’uuliyiintan ay kaalin ka qaateen inuu wadanka dib ugu soo laabto oo la’aantood uu ku sugnaan lahaa dhul shisheeye sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxaa uu u mahadceliyay kenyaanka soo dhaweeyay iyo warbaahinta .
Miguna oo sidoo kale waaxda cadaaladda ee dalka ku bogaadiyay inay mudnaan siisay sarreynta sharciga ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dalka dib ugu soo laabtay.
Miguna ayaa sanado ka hor la tarxiilay ka dib markii lagu eedeyay inuu dhammaadkii bishii koowaad ee sanadkii 2018-kii Raila Odinga u dhaariyay madaxweynaha shacabka sidoo kalena uunan haysan jinsiyadda Kenya.
Hasa ahaate waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan loo baahneyn in qof kale oo kenyaan ah loola macaamilo qaabkii isaga loo tarxiilay.
Miguna Miguna waxaa uu xusay in maalmaha , toddobaadyada iyo bilooyinka soo socdo uu arrimo dheeraad ah ka hadli doono balse hadda uu keliya ka mahadcelinaya sida diirran ee loo soo dhaweeyay.
Dr. Miguna Miguna ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay in uu maanta ka qayb geli doono xuska qaran ee halyeeyada ee Mashujaa Day ka hor inta uunan tagin xarunta madaxtooyada ee State House oo uu ku casuumay hoggaamiyaha wadanka William Ruto.
From the JKIA to #MashujaaDay. Then to @StateHouseKenya. Patriots are FREE to be at the JKIA. Freedom is here! Cheers. pic.twitter.com/gtosKGSe3I
— Dr. Miguna Miguna (@MigunaMiguna) October 19, 2022