Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan turxaan bixinta lagu sameeyo shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda ayaa maanta sii wadi doono howl uu shalay billaabay.
Sida ku cad jadwal ay maalmo ka hor soo saartay Karaaniga baarlamaanka Serah Kioko, waxaa maanta su’aallo la waydiin doonaa Kithure Kindiki ( oo loo soo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran), Njuguna Ndung’u ( wasiirka maaliyadda ), Aisha Jumwa ( Adeegga dadweynaha), Davis Chirchir ( Tamarta), Moses Kuria ( Ganacsiga).
Shalay ayay ahayd markii Musalia Mudavadi, Justin Muturi, Aadan Barre Ducaale, Alfred Mutua iyo Alice Wahome ay baarlamaanka hor tageen.
Good Morning ! Here is today’s vetting schedule starting 9am.#The13thParliament pic.twitter.com/GLbzNkkiLo
— NAssembly KE C'tees (@NACommitteeKE) October 18, 2022