DHAGEYSO:Wasiirrada cusub ee ismaamulka Garissa oo la turxaan bixinaya

0
305

Golaha hoose ee ismaamulka Garissa ayaa shalay billaabay inuu turxaan bixin ku sameeyo shakhsiyaad uu barasaabka dowlad deegaankaasi Nathiif Jaamac Aadan u soo magacaabay inay qabtaan xilalka wasiirnimo ee maamulkiisa.
Bishaar Axmad Dhaqane ayaa qodobkan faahfaahinaya.

Turxaan bixintan oo uu sameynaya guddiga golaha hoose ee ismaamulka Garissa u qaabilsan magacaabidda ee shalay billaabatay ayaa socon doonto saddex cisho.
Waxaa shalay subax guddiga ka soo hormuuqday oo su’aallo la weydiiyay Xasan Cabdirisaaq oo ah wasiirka magacaaban ee beeraha , xoolaha nool iyo dhaqaalaha dhaqashada xoolaha.
Sidoo kale waxaa guddiga hor tagay wasiirka uu barasaabka Garissa Nathiif Jaamac Aadan u soo magacaabay xilka wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha Cabaas Ismaaciil Khaar.
Qofkii saddexaad ee shalay la turxaan bixiyay ayaa ahaa wasiirka magacaaban ee biyaha, deegaanka iyo kheyraadka dabiiciga Axmad Maxamad Ibrahim.
Afarta qof ee ay shalay su’aallaha waydiiyeen wakiillada Garissa waxaa ugu dambeysay Sahra Muuse Aadan oo uu Nathiif Jaamac u soo magacaabay wasiirka arrimaha ismaamulka , adeegga dadweynaha iyo xiriirka heerarka dowladaha.