Maraykanka oo shaaciyay magacyada shakhsiyaad soomaali ah oo lagu daray liiska argagixisada

0
327

Dowladda Maraykanka ayaa xayiraad dhanka maaliyadda ah ku soo rogtay shabakad qaabilsan fududeynta dhaqaalaha Al-Shabaab ah kuwaas oo door hoggaamineed ku leh kooxdaasi dhexdooda.
Qoraal la soo dhigay bogga intarneetka ee Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay in dadka la magacaabay ay door hoggaamineed ku leeyihiin Al-Shabaab ayna u shaqeeyaan sidii xiriiriye muhiim ah oo u dhexeya kooxda iyo shirkadaha maxalliga ah ee Soomaaliya.
Dowladda Maraykanka waxay magacawday ku dhawaad 9 xubnood oo Al-Shabaab ah iyada oo la raacayo qaraarka Fulinta (E.O.) 13224, kaas oo bartilmaameedsada kooxaha argagixisada iyo taageerayaashooda.
Kaaliyaha Xoghayaha Sirdoonka Maaliyadda ee Maraykanka Brian E. Nelsonee ayaa sheegay inay dowladda qaadday tillaabo ka dhanka ah hub-ku-haynta iyo dhaq-dhaqaaqyada dhaqaale-ururinta ee Al-Shabaab iyo kuwa kale ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Dowaladda Maraykanku ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay maalgeliso dadaallada Al-Qaacida ee adduunka oo dhan, oo ay ku jirto in ay bixiso dhaqaalaha lagu taageerayo kooxaha kale ee xiriirka la leh Al-Qaacida.
Al-Shabaab ayaa sanadkii soo xareysa ku dhawaad 100 milyan oo doolar iyada oo soo marta maaliyad ay ka qaadaan ganacsatada iyo dadka deegaanka, lacagaha laga qaado badeecadaha, iyo sidoo kale fududeynta ganacsiga.
Halkan hoose ka akhriso shakhsiyaadka la magacaabay:
1. Cabdullaahi Jeeri- Waxaa la sheegay in uu si qarsoodi ah hubka ugu geeyo Al-Shabaab.
2. Khaliif Cadale- Waxaa lagu tilmaamay inuu Al-Shabaab u qaabilsan yahay inuu lacagaha uga soo aruuriyo hay’adaha aan dowliga ahayn.
3. Xasan Afgooye- Waxaa lagu sheegay inuu yahay hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kormeerna ku sameeya laamaha maaliyadda, Mareykanka ayaa ninkan madaxiisa dul dhigay 5 milyan oo doolar.
4. Cabdikariim Xuseen Gagaale- Waxaa lagu sheegay in uu soo noqday ku xigeenka madaxa qaybta maaliyadda ee Al-Shabaab, kana soo hoos shaqeeyay Mahad Karate.
5. Cabdisamad- Waxaa lagu tilmaamay xubin ka tirsan Al-Shabaab oo xiriir dhow la leh golaha sare ee kooxda.
6. Cabdiraxmaan Nuurey- Waxaa lagu qeexay in uu yahay isku xiraha Al-Shabaab iyo shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay.
Saddex qof oo ka kooban shabakad qaabilsan kala gudbinta hubka oo magacyadoodu kala yihiin: Maxamad Xuseen Salaad, Axmad Xasan Cali iyo Maxamad Cali Badaas.
Dadkan magacyadooda la sheegay ayaa lagu soo rogay xayiraad dhanka dhaqaalaha ah.