Baarlamaanka oo turxaan bixiyay qaar ka mid ah wasiirrada magacaaban

0
225

Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan turxaan bixinta lagu sameeyo shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda ayaa shalay su’aallo weydiiyay shan ka mid ah 22 xubnood oo uu bishii hore soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa ugu horreyn baarlamaanka hor tagay Musalia Mudavadi oo uu William Ruto u soo magacaabay xilka madaxa wasiirrada tani oo uu guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula sheegay inay sharci tahay.
Sidoo kale waxaa shalay su’aallo la xiriira aqoontooda, khibradooda shaqo , sida ay uga hufan yihiin musuqmaasuqa , qof jeleysiga ama eexashada, bixinta canshuuraha iyo waxqabadkooda la weydiiyay Justin Muturi ( xeer ilaaliyaha guud ee magacaaban) Aadan Barre Ducaale (wasiirka magacaaban ee difaaca) dhigiisa Arrimaha dibadda Alfred Mutua iyo Alice Wahome oo loo soo magacaabay xilka wasiirka biyaha iyo maareynta wasaqda.
Sidoo kale siyaasiyiintan oo wax laga waydiiyay qiimaha guud ee hantidooda ayaa ku kala sheegay Mudavadi (4 bilyan oo shilin) , Muturi(700 oo milyan), Ducaale (851 milyan oo shilin) Alfred Mutua(420 milyan) iyo Alice Wahome( 218 milyan).
Waxay iska difaaceen eedeymo loo soo jeediyay oo dhanka shaqada ah iyagoo faahfaahiyay in hantidan ay ku heleen muddo badan oo ay shaqeynayeen iyo ganacsi kala duwan.
Musalia Mudavadi waxaa uu xaqiijiyay inuu iska casilay xilka madaxa xisbiga ANC.
Alice Wahome oo ah wasiirka magacaaban ee biyaha ayaa beenisay inay tahay haweeney si dhaqsa ah u caroota oo rabshad adeegsata waxayna hoosta ka xarriiqday inay mar waliba xakameyso dareenkeeda.
Waxay sheegtay in haddii la ansixiyo ay dhinac iskaga dhigi doonto shaqadeeda qareennimo oo ay diiradda saari doonto xilka loo magacaabay.
Dhammaantood waxay ballanqaadeen in hadii la ansixiyo ay qaranka ugu adeegi doonaan si waafaqsan dastuurka wadanka.
Sida ku cad jadwal ay maalmo ka hor soo saartay Karaaniga baarlamaanka Serah Kioko maanta oo noqonaysa maalinka labaad ee turxaan bixinta waxaa su’aallo la waydiin doonaa Kithure Kindiki ( oo loo soo magacaabay wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran), Njuguna Ndung’u ( wasiirka maaliyadda ), Aisha Jumwa ( Adeegga dadweynaha), Davis Chirchir ( Tamarta), Moses Kuria ( Ganacsiga).
Maalinka Saddexaad ee Arbacada taariikhduna ay ku beegan tahay 19-ka Oktoobar, waxaa la turxaan bixin doonaa wasiirrada magacaaban ee kala ah Onesmus Kipchumba Murkomen ( waddooyinka), Rosalinda Soipan Tuya ( deegaanka iyo keymaha ), Peninah Malonza (Dalxiiska), Zacharia Mwangi Njeru ( Dhulalka) iyo Susan Nakhumicha Wafula ( Caafimaadka).
Jimcada oo ah 21-ka bishan waxaa baarlamaanka hor tagi doono Mithika Linturi ( beeraha ), Eliud Owalo ( isgaarsiinta), Ezekiel Machogu ( tacliinta), Ababu Namwamba ( arrimaha dhallinyarada), Rebecca Miano ( Bariga Afrika).
Maalinta ugu dambeysa ee turxaan bixinta oo ah Sabtida waxaa la turxaan bixinaya Simon Chelugui ( horumarinta iskaashatada), Salim Mvurya ( Macdanta), Florence Bore ( Shaqada iyo badbaadinta bulshada) iyo Mercy Wanjau ( oo loo soo magacaabay xilka xoghayaha golaha wasiirrada).