Alfred Mutua oo sheegay in safarkiisa ugu horreeya uu ku tagaya Sacuudiga

0
274

Alfred Mutua oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta ayaa sheegay in safarkiisa koowaad uu ku tagi doono boqortooyada Sacuudi Carabiya haddii uu baarlamaanka ansixiyo.
Xilli shalay la turxaan bixinayay ayuu xusay in socdaalkan uu noqon doono mid uu ku soo xaqiijinaya dhibaatooyinka haysta kenyaanka halkaasi ka shaqeeya.
Alfred Mutua ayaa sheegay in tani ay qayb ka tahay dadaallada lagu wanaajinayo daryeelka ay helaan kenyaanka qurbajoogta ah.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay inay jiraan shakhsiyaad u dhashay wadanka oo lagu dhibaateeyo kuna geeriyoodo waddamada khaliijka oo ay shaqooyin wanaagsan u raadsadeen.
Waxaa uu ka jawaabayay su’aal ay weydiisay wakiilka dumarka ee ismaamulka Uasin Gishu ahna guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Gladys Shollei.
Shollei ayaa doonaysay inay ogaato tallaabooyinka uu qaadi doono Alfred Mutua haddii loo ansixiyo xilka wasiirka arrimaha dibadda gaar ahaan badbaadinta shaqaalaha kenyaanka ee qurbaha ku nool.
Alfred Mutua waxaa uu guddiga baarlamaanka u sheegay inuu la shaqeyn doono wasaaradda shaqaalaha ee dalka si loo dejiyo nidaamyo habboon oo lagu tixraaci karo hannaanka shaqaaleysiinta iyo badqabka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ka dib markii uu arrintan ka baarandegay ay u soo baxday inuu jiro gaabad dhanka nidaamka ah.
Alfred Mutua ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay saaxiib la tahay Kenya oo ay xita halkan ku leedahay safaarad sidaas awgeedna aynan ku lug lahayn dhibaatadan balse ay jirto arrin u baahan in wax laga qabto.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu la shaqeyn doono safaaradda Sacuudiga ee Nairobi si baaritaano loogu sameeyo geerida qaar ka mid ah gabdho Sacuudiga u tagay inay guriyaha ka shaqeyaan.
Alfred Mutua ayaa sheegay in saddexdii bilood ee ugu dambeeyay 85 ka mid ah gabdhahan ay ku dhinteen gudaha boqortooyada halka boqolaal kale dib loo soo celiyay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu ku dadaali doono sidii saraakiisha waaxda dambi baarista ee DCI-da loogu oggolaan lahaa inay tagaan Sacuudi Carabiya si ay dhimashooyinkan u baaraan.
Dhanka kale hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kimani Ichung’wah oo Alfred Mutua waydiiyay qiimaha hantidii uu lahaa ka hor inta uunan sanadkii 2013-kii noqon barasaabka ismaamulka Machakos ayaa waxaa uu Mutua ugu jawaabay inuu xilligaasi haystay in ka badan 200 oo milyan.
Junet Maxamad oo siyaasiyiinta isbeheysiga Azimio u qaabilsan nidaamka baarlamaanka ayaa su’aal geliyay 420 milyan oo shilin oo uu Alfred Mutua ku sheegay qiimaha hantidiisa.
Hasa ahaate waxaa uu isku difaacay in maqaaxi uu Junet soo hadal qaaday uu ku dhisay amaah sidaas awgeedna aan waqti xaadirkan lagu xisaabinayn hantidiisa.