Aadan Barre Ducaale oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay xilka wasiirka gaashaandhigga ayaa sheegay inuunan waajibaad iyo awood dastuuri ah u lahayn inuu baaro shakhsiyaadka maalgeliya argagixisannimada.
Sanadkii 2015-kii oo weerar lagu qaaday jaamacadda Garissa ayuu ku goodiyay inuu liiskan shaaca ka qaadi doono.
Waxaa uu shalay xilli la turxaan bixinayay xusay in tan iyo xilligaasi arrintan laga dhursugayay balse uu marar badan ka jawaabay.
Waxaa uu sheegay in xilligaasi uu ka mid ahaa hoggaanka waqooyiga dalka oo uunan akhrinayay bayaan ay soo saareen.
Dhanka kale waxaa uu dhaliilay in militariga loo adeegsado fulinta qaar ka mid ah shaqooyinka dowladda sida warshadda hilibka ee KMC iyo maamulkii NMS ee uu hoggaaminayay Maxamad Cabdalla Badi.
Ducaale ayaa sheegay inay qalad ahayd in jannano militari loo xil saaro maareynta maamullo dowladeed taasina loo baahan yahay in dib loo eego.
Mar wax laga waydiiyay qoraallo uu Twitter-ka soo dhigay wiilka madaxweynaha dalka Uganda Muhoozi Kainerugaba oo ahaa inuu qabsanaya Nairobi, ayuu Aadan Barre Ducaale ku jawaabay in ciidanka difaaca wadanka ee KDF ay adeegsadaan dibloomaasiyad oo aynan ka falcelin qoraallo sida uu hadalka u dhigay aan muhiim ahayn.
Waxaa uu sheegay in kuwa doonayo inay ogaadaan awoodda militariga dalka inay arki doonaan maalmaha qaran ee loo dabbaal dego.
Sidoo kale waxaa uu ballanqaaday in haddii la ansixiyo uu la tacaali doono musuqmaasuqa laga soo tabiyo shaqaaleysiinta saraakiisha difaaca isagoo sheegay inay maxkamadda yaalaan dacwado arrintan ku saabsan.