In ka badan 13 qof oo lagu dilay Suudaan

0
306

Ugu yaraan 13 qof ayaa lagu dilay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday Koonfurta gobolka Blue Nile ee dalka Suudaan.
Waxaa sidoo kale la dhaawacay in ka badan 24 ruux.
Tani waxaa xaqiijisay qaramada midoobay gaar ahaan xafiiska u qaabilsan isku duwidda arrimaha baniaadannimo oo bayaan soo saaray.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaal beeleedyada ay socdeen afar cisho oo la soo dhaafay.