Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa maanta billaabaya turxaan bixin uu ku sameynaya shakhsiyaad doonaya inay qabtaan xilalka xoghayeyaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda.
Liiskan ayaa waxaa uu ka kooban yahay 585 qof oo laga soo xushay in ka badan 9,000 oo ah codsiyo la soo dirsaday.
Turxaan bixinta ayaa socon doonto muddo 10 cisho ah ilaa 22-ka bishan.
PSC waxay qorsheynaysa inay maalintii dhinac iskaga dhigto ku dhawaad 60 codsiyo ah.