Guddiga howlaha baarlamaanka oo la ansixiyay

0
334

Baarlamaanka dalka ayaa soo dhisay guddiga u qaabilsan isku dubaridka howlihiisa.
Waxaa guddigan hoggaaminaya guddoomiyaha baarlamaanka wadanka Moses Wetang’ula .
Xubnaha guddiga howlaha golaha qaran ee xeer dejinta waxaa ka mid ah xildhibaanka deegaanka Ainabkoi Samuel Chepkonga, wakiilka dumarka ee ismaamulka Nyandarua Faith Gitau, dhigeeda Mandera Umul Kheir Qaasim, mudanaha deegaanka Emuhaya Omboko Milemba , dhigiisa Kathiani Robert Mbui, mudanaha deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan , dhigiisa Ruaraka TJ Kajwang, xildhibaanka Waqooyiga Laikipia Sarah Korere iyo mudanaha Masinga Joshua Mbithi.
Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in la xusho xubnaha guddiga baarlamaanka ee magacaabidda si ay turxaan bixin ugu sameeyaan golaha wasiirrada ee uu bishii hore soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Dhanka kale aqalka sare ayaa soo gabogabeeyay soo dhisidda guddiyadiisa iyadoo xubnaha la qorsheynaya inay guddoomiyaal doortaan dhammaadka toddobaadkan.