Ra’iisul Wasaaraha dalka Australia, Anthony Albanese ayaa sheegay inay ka fikirayaan qorsho ay tababar militari ugu fidin karaan ciidamada difaaca ee wadanka Ukraine.
Warbaahinta maxalliga ee Australia ayuu maanta u sheegay inuu la hadlay dhigiisa Ukraine Volodymyr Zelenskyy.
Waxaa uu xusay inay ka wada hadleen dadaallada dheeraadka ah ee ay dowladda Australia ku biirin karto iska caabinta duullaanka Ruushka.
Albanese ayaa dhanka kale weerarrada Ruushka ee lagu bartilmaameedsaday shacabka ku tilmaamay kuwo laga xumaado oo aan la qaadan karin.
Waxaa uu sheegay inuu madaxweynaha , shacabka iyo dowladda Ukraine uga tacsiyeynaya dadka aan wax galabsan ee lagu dilay waxa uu ugu yeeray gardarrada Ruushka.