DHAGEYSO:Raila Odinga oo ka hadlay sicir bararka dalka ka jiro

0
234

Madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya , Raila Odinga ayaa dareenkiisa ku biiray sare u kaca qiimaha maciishadda ee ay kenyaanka dareemayaan.
Waxaa uu saadaaliyay in dhawaan uu sii kordhi doono qiimaha shidaalka.
Raila Odinga ayaa madaxweynaha talada haya William Ruto ku eedeyay inuunan ka soo bixin ballanqaadkii ahaa in la dhimo qiimaha maciishadda .
Waxaa uu dadweynaha ugu baaqay inaynan niyad jabin isagoo dhanka kale ka hadlay qiimaha ay dowladdu yareysay ee bacriminta.