DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida imaamkii Jamia

0
421

Madaxweynaha dalka William Samoei Ruto ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada , asxaabta iyo bulshada muslimiinta ah ka dib geeridii saaka ku timid imaamkii masjidka wayn ee Jamia ee magaalada Nairobi Sheekh Muxammad Swalihu.

Waxaa tacsidan mid la mid ah diray xildhibaanka deegaanka Garissa Township ahna wasiirka magacaaban ee gaashaandhigga Aadan Barre Ducaale.
Ducaale ayaa sheegay in sheekha uu ahaa caalim iyo waxgarad aad loo xushmeeyo oo la tabi doono tala-siintiisi diimeed iyo waanooyinkiisi.

Xoghayaha maamulka sare ee wasaaradda isgaarsiinta, warfaafinta iyo tiknolojiyadda ee dalka Nadia Axmed Cabdalla ayaa sheekha ugu duceysay inuu Alle meel san geeyo.
Senatarkii hore ee ismaamulka Mandera Bilow Keerow iyo barasaabka dowlad deegaankaasi Maxamad Aadan Khaliif ayaa sidoo kale tacsi u diray qoyska sheekha oo uu Alle uga bariyay inuu ku abaal mariyo Jannatul Firdowsa.

 

Ku xigeenka imaamka masjidka Jamia ee magaalada Nairobi Sheekh Jamaaluddiin Cismaan ayaa qoraal ku sheegay inuu la murugooday geerida ku timid sheekh Muxammad Swalihu balse keliya ay oranayaan waxa Alle raaligelinaya.

Waxaa sidoo kale geerida sheekh Muxammad Swalihu ka tacsiyeeynaya maamulka iyo shaqaalaha warbaahinta Star.