Madaxweynaha dalka oo sheegay in xiriirka Kenya iyo Uganda uu yahay mid adag

0
257

Madaxweyanaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya iyo wadanka dariska la ah ee Uganda uu ka dhexeeyo xiriir adag in kastoo hadal hayn ballaaran ay ka dhalatay qoraalladdii wiilka madaxweynaha Uganda Muhoozi Kainerugaba taasoo ugu dambeyn uu Yoweri Museveni raaligelin ka bixiyay.
Ruto oo shalay hadal ka jeediyay xuska sanadguuradii 60-aad ee ka soo wareegatay xilligii ay Uganda qaadatay madax bannaanida ayaa hoosta ka xarriiqay in labada dowladood ay saaxiibbo sii ahaanayaan si waddamada bariga Afrika ay barwaaqo u gaaraan.
Waxaa uu xusay inay caddahay in aynan wadaagi karin saboolnimo iyo gaajo balse ay qaybsan karaan fursadaha iyo horumarka.
William Ruto ayaa dhigiisa wadanka Uganda Yoweri Kaguta Museveni ugu baaqay inuu hoggaamiyo dadaallada meesha looga saaraya caqabadaha dhanka soodhinta ee gobolka oo uu xusay inay carqaladeeyeen kobaca ganacsi ee bariga Afrika .
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay in madaxda gobolka ay fiirsanayaan Museveni si uu arrintan ugu hoggaamiyo.
Hoggaamiyaha Uganda ,Yoweri Museveni ayaa dhankiisa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay inay sii xoojiso xiriirka dibloomaasiyadeed ee kala dhexeya Kenya.