Senatarka ismaamulka Nandi ,Samson Cherargei ayaa doonaya in isbeddel lagu sameeyo xeerarka la dagaalanka argagixisada si tallaabada ku habboon looga qaado burcad muddo sanado ah dad dilal ugu gaysanayay waqooyiga Rift Valley.
Waxaa uu sheegay in burcadda aynan ahayn dambiilayaal caadi ah sidaas awgeedna ay tahay in ciqaab adag la mariyo.
Arrintan ayuu shalay ka sheegay ismaamulka Uasin Gishu oo ay siyaasiyiinta isbeheysiga Kenya Kwanza ka mahadcelinayeen in labo bilood ka hor loo doortay hoggaanka wadanka.