Maxkamadda dalka oo go’aan ka soo saartay baaritaannada guddiga EACC

0
299

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday go’aan horay uga soo baxay maxkamadda racfaanka oo ahaa in guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC laga doonayo inuu wargeliyo eedeysanayaasha ka hor inta uunan baaritaannada billaabin.
Waxay maxkamaddu sheegtay in arrintan aynan qasab ku ahayn guddiga.
Qoraalka maxkamadda waxaa ku cad in haddii sidan la sameeyo waxqabadka EACC uunan noqonayn mid wax ku ool ah.
Sidoo kale waxay maxkamaddu caddeysay in qofka eedeysanaha ah oo aan lagu sii wargelin in baaritaanno lagu sameynaya aynan sinnaba xadgudub ugu ahayn xuquuqdiisa dastuuriga ah.
Dastuurka dalka ayaa qeexaya in haddii tallaabo dhanka maamulka ah oo la qaadaya ay saameyn ku yeelanaysa qofka ,inuu xaq u leeyahay in qaab qoraal ah loogu gudbiyo sababaha tallaabadaasi loo qaadaya.
Hasa ahaate guddi ka kooban shan garsoorayaal ah ayaa sheegay in qofka oo la xiro ama gurigiisa baaritaan laga sameeyo aynan faragelinayn xuquuqdiisa shakhsiyeed haddii sababaha lala wadaago.