In ka badan 17 qof oo lagu dilay Ukraine

0
334

Ugu yaraan 17 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerar ay ciidamada dowladda Ruushka ka gaysteen magaalada Zaporizhzhia oo ku taalla Koonfurta bari ee dalka Ukraine.
Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in isbitaalka la dhigay 49 ruux oo 6 ka mid ah ay carruur yihiin oo ku dhaawacmay weerarka.
Xoghayaha golaha magaalada Zaporizhzhia,Anatoliy Kurtev ayaa sheegay in la burburiyay ugu yaraan 20 guri iyo 50 dhisme oo ka kooban dabaqyo.
Duqeymahan ayaa xalay dhacay sida laga soo xigtay taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine.
Waxaa uu barta Facebook-ga ku sheegay in la bartilmaameedsaday goobo la deggan yahay iyo kaabayaasha horumarineed.
Weerarkan ayaa ah midkii labaad ee ay dad ku dhintaan oo magaaladaasi laga gaystay saddex cisho gudahooda.