Gachagua oo amar siiyay guddoomiyaasha ismaamullada ee dowladda dhexe matalo

0
1221

Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa guddoomiyaasha dowladda dhexe ku matalo ismaamullada ku amray inay si dhow ula shaqeeyaan barasaabyada si loo dhaqangeliyo barnaamijyada horumarineed.
Waxaa uu Gachagua xaqiijiyay in maamulka William Ruto uu diyaar u yahay inuu cid kasta la shaqeeyo si loo fuliyo ballanqaadyadii loo sameeyay kenyaanka.
Tani ayaa timid ka dib markii uu xafiiskiisa magaalada Nairobi kula kulmay 30 ka mid ah guddoomiyaasha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamullada.
Mas’uuliyiintan ayaa ka howlgalo dowlad deegaannada ay abaarta saameysay.
Hoggaamiyaha labaad ee wadanka ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan marnaba faragelin doonin waajibaadka shaqo ee howlwadeennada dowladda.
Mr. Gachagua ayaa carrabka ku adkeeyay inay si gaar ah uga walacsan yihiin saameynta abaarta.
Waxaa uu ku boorriyay inay si dhow u wada shaqeyaan si looga hor tago in qof kenyaan ah ay noloshiisa abaarta galaafato.
Rigathi Gachagua ayaa guddoomiyaasha ismaamullada ku matalo dowladda dhexe u xaqiijiyay in aanan shaqada laga eryi doonin sidoo kalena aan loo adeegsanayn fulinta dano siyaasadeed.