Koox hubeysan oo Jabuuti ku dishay 7 askari

0
297

Wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa la taliyaha madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku warramaysa in koox hubeysan ay dishay 7 ka mid ah ciidamada qalabka sida ee wadankaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii uu iskudhac dhex maray militariga iyo koox mucaarad ah.
Dhacdadan oo laga soo tabiyay waqooyiga Jabuuti ayaa waxaa la rumeysan yahay inay gaysteen xoogagga xisbiga (FRUD).
Hasa ahaate afhayeen u hadlay ururkan oo lagu magacaabo Ibraahim Hamabou Xasan ayaa beeniyay inay weerarka fuliyeen waxaa uuna ku eedeyay koox kale oo gooni u goosad ah.