Madaxweynaha dalka oo wada hadal la yeeshay dhigiisa Uganda

0
377

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa la kulmay oo wada hadal la yeeshay dhigiisa wadanka Uganda Yoweri Kaguta Museveni.
Labada mas’uul ayaa diiradda saaray xoojinta xiriirka dibloomaasiyadeed ee ka dhexeya waddamadooda.
Sidoo kale waxay wada hadalkooda ku soo qaadeen sare u qaadidda ganacsiga ka dhexeya dalalka bariga Afrika.
William Ruto oo wadanka ka ambabaxay galinkii dambe ee shalay ayaa Uganda u joogo inuu ka qayb galo sanadguuradii 60-aad ee ka soo wareegatay madax bannaanida dalkaasi oo maanta loo dabbaal degaya.