Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay dhammaan Warbaahinta Intarneetka ee Website-yada ay isticmaalaan kooxda Al-Shabaab.
Go’aan ka soo baxay Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukumadda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu faray Shirkadaha Isgaarsiinta inay ka qayb qaataan ilaalinta Amniga Qaranka, iyadoo la xiganayo qodobka 66-aad ee Sharciga Isgaarsiinta oo ku waajibaya dhammaan shirkadaha shatiga u haysta bixinta Isgaarsiineed.
Dowladda Soomaaliya ayaa hore u qaadatay istaraatiijiyad cusub oo ka dhan ah Al-Shabaab, si loola dagaallamo dhaqaale ahaan iyo sidoo kale ciidan ahaan, waxaana haatan ku soo biiray dhinaca warbaahinta iyo baraha bulshada oo ay ka mamnuucday faafinta fariimaha iyo wararka Shabaab.
Home Wararka Soomaaliya Dowladda Soomaaliya oo xirtay dhammaan website-yada ay isticmaalaan Al-Shabaab