Justin Muturi oo sheegay in Ruto uu u rumeeyay riyadiisi

0
299

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dalka Justin Muturi oo uu dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay xilka xeer ilaaliyaha qaranka ayaa sheegay in tani ay tahay riyo u rumowday.
Muturi ayaa hoosta ka xarriiqay inay fursad u tahay inuu ka shaqeeyo laan kale oo dowladda ka mid ah.
Waxaa uu xusay inuu horay uga soo howlgalay waaxda garsoorka ka dibna uu noqday xildhibaan isagoo sanadkii 2013-kii loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka.
Muturi ayaa noqonaya xeer ilaaliyihii Siddeedaad ee dalka ka dib marka uu magacaabidiisa ansaxiyo baarlamaanka.
Waxaa uu xilkan kala wareegaya Paul Kihara Kariuki oo la dhaariyay bishii Afaraad ee sanadkii 2018 .