Ken Okeyo Ng’ondi oo matalayay isbeheysiga Azimio La Umoja ayaa ku guulaystay xilka guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Nairobi.
Tani ayaa timid ka dib markii uu helay codad gaaraya 68 oo ka mid ah 123 ee la dhiibtay.
Xasan Robow Maxamad oo la tartamayay ayaa soo hooyay codad dhan 55 .
Ng’ondi ayaa ku soo baxay wareeggii labaad ee codeynta maadaama sida uu sheegay karaaniga golaha hoose ee caasimadda dalka uunan wareeggii koowaad jirin musharrax helay tiradii codadka ee la doonayay.
Ken Ngondi ayaa intii u dhexeysay sanadihii 2013-2017 ahaa guddoomiye ku xigeenka golaha hoose ee dowlad deegaanka Nairobi.