Qaramada Midoobay oo cambaareysay qorsho uu maanta Ruushka fulinaya

0
290

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay go’aan dowladda Ruushka ay maanta dalka Ukraine uga goosanaysa afar ka mid ah gobolladeeda.
Gobolladan oo ay dhawaan afti ka dhacday ayaa kala ah Donetsk, Luhansk ,Kherson iyo Zaporizhzhia.
Guterres ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadan aynan wax faa’iido ah u soo kordhinayn Ruushka sidaasi awgeedna ay mudan tahay in la cambaareeyo.
Waxaa uu ku tilmaamay go’aan sharci darro ah oo aan marnaba la aqbali karin.