Qaramada midoobay oo digniin ka soo saartay dagaalka Ukraine

0
281

Xoghayaha guud ee qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa digniin ka soo saaray dagaalka ka socdo gudaha wadanka Ukraine ee uu Ruushku billaabay 24-kii bishii labaad ee sanadkan.
Waxaa uu dalbaday in si degdeg ah loo joojiyo howlaha militari ee laga wado agagaarka warshadda ugu wayn qaaradda Yurub ee nukliyeerka taasoo ku taalla Koonfurta Bari ee dalka Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xukuumadaha Moscow iyo Kyiv ay isku eedeynayaan duqeyn dhawaan halkaasi laga gaystay.
Guterres ayaa bayaan ku sheegay in aan loo baahneyn in xaruntaasi nukliyeerka iyo agagaarkeeda laga fuliyo howlo militari balse la doonayo in heshiis qaab farsamo ah la gaaro.
Digniinta Xoghayaha guud ee qaramada midoobay ayaa ku soo beegmaysa ka hor inta uunan qabsoomin kulan uu yeelanaya golaha ammaanka ee jimciyadda qurumaha ka dhexeysa oo ay codsatay dowladda Ruushka.