Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa si kulul uga hadlay bannaanbaxyadii rabshadaha watay oo shalay Xisbiyada mucaaradka iyo taageeraayaashooda ay ka dhigeen Magaalooyinka Somaliland, kuwaas oo gaystay dhimasho iyo dhaawac.
Muuse Biixi ayaa u tacsiyeeyay dadkii ku dhintay bannaanbaxyada, isaga oo sidoo kale caafimaad u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay, wuxuuna sheegay in talo xumo ka timid qaar ka mid ah dadka Somaliland ay mudaaharaadyadaasi u dhaceen.
Wuxuu dusha ka saaray Madaxda Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID & WADANI khasaaraha ka dhashay dibadbaxyadii shalay, isaga oo sheegay inay mas’uul ka yihiin.
Madaxweynaha Somaliland ayaa intaasi ku daray in ay jiraan wax badan oo u qarsoon Xisbiyada mucaaradka oo uu sheegay inay diidan yihiin Ururrada la diiwaangeliyay.
Dhanka kale hoggaanka Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan bananbaxyada ka dhanka ah Xukuumadda ilaa iyo inta Madaxtooyada ka billaabeyso doorashada Madaxweynaha Somaliland.