Gladys Wanga oo loo doortay barasaabka Homa Bay

0
671

Waxaa xilka guddoomiyaha ismaamulka Homa Bay ku guulaysatay Gladys Wanga oo ahayd wakiilka haweenka ee dowlad deegaankaasi.
Waxay tartanka uga badisay barasaabkii hore ee Nairobi Evans Kidero.
Wanga ayaa matalaysay xisbiga ODM halka Kidero uu si madax bannaan u tartamayay.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa xalay shaaciyay in Gladys Wanga ay heshay codad dhan 244,059 halka Evans Kidero uu soo hooyay 152,182.
Dhanka ismaamulka Bungoma, waxaa xilka guddoomiyaha ku soo baxay Ken Lusaka oo ahaa guddoomiyaha aqalka sare .
Waxaa uu tartanka uga adkaaday Wycliffe Wangamati.
Dowlad deegaanka Uasin Gishu ,Jonathan Bii oo ka tirsan xisbiga UDA ayaa ku guulaystay xilka barasaabnimo ka dib markii uu codadka la tiriyay uga badiyay Zedekiah Bundotich oo si madax bannaan u tartamayay.
Bii, ayaa helay codad dhan 214,036 halka Buzeki uu soo hooyay 127,013 oo codad ah.
Glady’s Shollei ayaa mar kale loo doortay wakiilka dumarka ee ismaamulka Uasin Gishu waxayna ka guulaysatay Dorcas Jebet oo ka tirsan ODM.
Dowlad deegaanka Migori ,Ochilo Ayacko ayaa ku soo baxay xilka barasaabnimo waxaa uuna ka guulaystay 8 musharraxiin oo kale.
Ismaamulka Nandi, Stephen Sang ayaa mar kale loo doortay xilka guddoomiyaha ka dib markii uu helay codad dhan 237,045 halka Cleophas Lagat oo ku soo xigay uu soo hooyay 54,375.
Ismaamulka Kisumu , Prof. Anyang’ Nyong’o oo ka guulaystay Jack Ranguma ayaa kursigiisi difaacday.
Dowlad deegaanka Nakuru, waxaa xilka barasaabnimo ku soo baxday Susan Kihika oo ka tirsan UDA ka dib markii dhanka codadka ay uga badisay Lee Kinyanjui.
Waxaa xilka xildhibaananimo ee deegaanka bariga Wajeer ku soo baxay Aadan Daauud.