Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Martha Karua ayaa shaki gelisay in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC uu qaban karo codeynta natiijada ka soo baxdo lagu kalsoon yahay.
Xilli ay shalay ka hadlaysay kulan ay ka qayb galeen ilaa 3,000 oo haween ah oo lagu qabtay Nairobi ayay arrintan sheegtay.
Martha Karua ayaa IEBC ugu baaqday inay u istaagto danta qaranka oo ay caddeyso inay doorashada bisha soo socoto sida habboon u maareyn karto.
Hadalka Karua ayaa imaanaya 72 saacadood ka dib markii Raila Odinga uu guddiga IEBC ka dalbaday inuu cadeeyo in diiwaanka caadiga ah ee codbixiyeyaasha la adeegsan doono xilliga codeynta.
Martha Karua ayaa hadda billowday inay si istaraatiiji ah u bartilmaameedsato haweenka dalka oo ah boqolkiiba 49.12 ee tirada codbixiyeyaasha diiwaan gashan tani oo u dhiganta in ka badan 10 milyan.