Doorasho ka billaabatay dalka Japan

0
324

Codbixiyeyaasha dalka Japan ayaa maanta codkooda ka dhiibanaya doorashada aqalka sare oo halkaasi ka billaabatay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ra’iisul wasaarihii hore ee Japan Shinzo Abe uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray toogasho loo gaystay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xisbiga haya talada Japan ee (LDP) uu aqlabiyad ka soo hoyn karo codeynta.
Hasa ahaate ra’iisul wasaare Fumio Kishida iyo siyaasiyiin kale ayaa sheegay in dilkii naxdinta lahaa ee Abe uunan hakad gelin doonin geeddisocodka dimuqraadiyadeed.