Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa la siiyay biladda jinsiyadda ee qaaradda Afrika ee sanadkan 2022-ka.
Mr. Kenyatta ayaa lagu ammaanay sida uu uga shaqeeyay sinnaanta jinsiyadeed iyo horumarinta arrintan ee gudaha dalka.
Sanadkii 2004-tii ayay ahayd markii golaha madaxweynayaasha waddamada ka tirsan Midowga Afrika uu ansaxiyay in bilad sharaf la siiyo mas’uulkii si wayn uga soo baxa sinnaanta jinsiyadeed.
Mr. Kenyatta oo hadal kooban ka jeediyay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi, waxaa uu u mahadceliyay ololaha jinsiyadeed ee (GIMAC) oo aqoonsaday kuna sharfay waxqabadkiisa.
Waxaa biladda madaxweynaha wadanka siisay ergeyga gaarka ah ee guddiga Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha haweenka, nabadgalyada iyo amniga Ms Benita Diop oo matalaysay guddiga xulashada sameeyay ee ololaha GIMAC .
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in isagoo wakiil ka ah jamhuuriyadda Kenya uu aad ugu faraxsan yahay inuu sanadkan ku guulaystay abaalmarinta jinsiyadda ee Afrika ee (AGA).
Waxaa uu xusay in tani ay caddeyn u tahay in laga war qabo dadaallada dowladda dhexe ay ku bixisay awoodsiinta haweenka iyo gabdhaha yaryar.
Sidoo kale hoggaamiyaha dalka ayaa bogaadiyay ururka waaxyaha gaarka ah ee KEPSA iyo xarunta wacyigelinta iyo xuquuqaha tacliinta ee (CREAW) oo la siiyay abaalmarinta shirkadaha gaarka ah iyo midda ururrada bulshada.
Mr. Kenyatta ayaa ololaha GIMAC ku ammaanay dadaalka uu gelinaya in waddamada lagu sameeyo dabagal ku aaddan sida ay uga shaqeynayaan arrimaha jinsiga.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale sheegay inay fahansanyihiin oo ayna ka mahadcelinayaan doorka waaxda cadaaladda , hay’adaha aan dowliga ahayn sida shirkadaha gaarka ah ay ka qaadanayaan dhameystirka dadaallada dowladda iyagoo dhaqangelinaya xeerar kaabaya baahiyaha jinsiyadeed.
Intii uu madaxweyne Kenyatta wadanka hoggaaminayay, waxay Kenya haleeshay 11 ka mid ah 12 qodob oo lagu saleeyo horumarinta jinsiyadeed ee qaaradda Afrika.
Waxyaabaha lagu ammaanay maamulka Uhuru waxaa ka mid ah in boqolkiiba 91 ee haweenka qabo cudurka AIDS-ka ay helaan dawooyinka ARVs halka horay tiradan ay ahayd 67 boqolkiiba.
Sidoo kale intii u dhexeysay 2014-tii ilaa 2018-kii waxaa boqolkiiba 23.1 kordhay adeegyada umusha ee sida lacag la’aanta ah lagu bixiyo.
Sidoo kale dowladda Kenya ayaa tirada ardayda ku biira dugsiyada hoose dhexe oo sanadkii 2016-kii ahayd 83 boqolkiiba sanadkan gaarsiisay boqolkiiba 103.4.
Heerka aqoonta ee dalka ayaa si guud noqday in ka badan boqolkiiba 80. Sidoo kale waxaa boqolkiiba 2.9 korortay matalaadda haweenka ee baarlamaanka dalka intii u dhexeysay 2016 ilaa sanadkan.
Tiradan ayaa laga soo billaabo 2019 ilaa 2022-ka gaartay boqolkiiba 16.
Biladda jinsiyadda Afrika ee maanta la guddoonsiiyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa waxaa horay ugu guulaystay Hage Geingob (Namibia) sanadkii 2017, madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Sirleaf Johnson sanadkii 2011, hoggaamiyihii hore ee Senegal Armando Guebuza (Senegal) sanadkii 2009-kii, madaxweynaha Rwanda Paul Kagame (Rwanda) sanadkii 2007-dii, Cabdoulaye Wade oo isna(Senegal) soo hoggaamiyay oo la siiyay 2005 iyo 2005-tii oo uu qaatay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Thabo Mbeki.
1/5
President Uhuru Kenyatta has received the African Gender Award 2022 for championing gender equality and development in the country.Read more: https://t.co/W6qdWxD2CF pic.twitter.com/Fd28GJuobi
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 14, 2022