Maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee EPRA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in laga billaabo saqdii dhexe ee xalay uu dhaqan galay isbeddel cusub oo lagu sameeyay qiimaha shidaalka.
Waxaa uu qoraalka muujinaya in qiimaha hadda lagu kala iibsado halkii liitar ee noocyada shidaalka ee Super Petrol, Diesel-ka iyo Kerosene lagu kordhin doono 9 shilin.
Maamulka EPRA ayaa sare u kacan u aaneeyay in bishii hore ee May uu kordhay qiimaha shidaalka looga soo dejiyo dalka dibaddiisa.
Qiimaha batroolka wadanka lagu keenayay bishii hore ayaa waxaa ku kordhay boqolkiiba 5.96, naaftada ama Diesel-ka waxaa uu kordhay boqolkiiba 10.9 halka midka kerosene uu hoos u dhacay 0.34 boqolkiiba.
Isbeddelka cusub ayaa shaqeyn doono ilaa 14-ka bisha Toddobaad ee sanadkan.
Maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ayaa qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay inuu dadweynaha u xaqiijinaya inay ka go’antahay ka shaqeynta tartan loo siman yahay iyo badbaadinta macaamiisha iyo maalgashatada labaduba.