Kibicho oo beeniyay in dhallinyarada deegaannada nadiifiya laga dhimo lacagahooda

0
358

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in dhallinyarada nadiifiya deegaannada ee qaybta ka ah barnaamijka Kazi Mtaani aan la siin qiimaha lacageed ee ay dowladdu u qoondeysay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maalin kasta qofka dhallinyarada ee qorshahan ka qayb qaadanaya la siiyo 450 shilin oo ah miisaaniyaddii maalinlaha ee loogu talagalay.
Dr. Kibicho ayaa xusay in lacagtan la bixinayay tan iyo markii barnaamijka Kazi Mtaani la billaabay bishii Saddexaad ee sanadkii 2020-kii.
Xoghayaha ayaa xildhibaanka deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri Rigathi Gachagua iyo siyaasiyiin kale oo ku andacooday in baarlamaanka uu qoondeeyay in dhallinyarada maalin waliba la siiyo 1,000 oo gunnooyin ah ka dalbaday inay caddeyn keenaan.
Karanja Kibicho oo arrimaha kaga hadlay wareysi uu siiyay idaacadda Kameme FM ayaa sheegay in dhallinyaro dhan 530,608 oo nadiifiya deegaannada ay lacagahooda qaadanayeen.
Barnaamijkan ayuu xusay in dowladdu ay billowday ka dib markii cudurka COVID-19 uu sababay saameyn dhaqaale iyo dadka qaar oo lumiyay shaqooyinkoodi.
Dowladda dhexe ayaa qorsheynaysa inay barnaamijka Kazi Mtaani ku bixiso miisaaniyad dheeraad oo gaaraysa 5 bilyan oo shilin tani oo qarashaadka guud ee ku baxaya ka dhigaysa 21 bilyan.