Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa sheegay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu oofiyay ballanqaadyadii siyaasadeed ee sanadkii 2013-kii iyo sidoo kale 2017-kii.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kastoo weli ay jirto khatarta dhanka argagixisada haddana in waxyaabo badan oo dhinaca ammaanka ah la qabtay.
Dr. Matiangi ayaa xusay in isbeddellada la sameeyay ay ka mid tahay xoojinta tayada iyo kartida ciidamada ammaanka .
Waxaa uu intaasi ku daray in Kenya ay hadda si buuxda diyaar ugu tahay la tacaalidda caqabadaha la xiriira amniga.
Wasiirka ayaa tilmaamay in 10-kii sano ee ugu dambeeyay dowladdu ay si waxtar leh ugu adeegaysay dadweynaha.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in la wanaajiyay qaabka loo bixiyo baasaboorka dalka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in lala tacaalay shakhsiyaad uu sheegay inay khiyaano ku hayeen wasaaradda waxbarashada gaar ahaan xilliyada imtixaannada qaran.
Wasiirka oo faahfaahinaya waxyaabaha lagu xusuusan karo maamulka Uhuru Kenyatta ayaa tusaale u soo qaatay in laga wareegay hannaankii hore ee warfaafinta oo hadda siyaabo casri ah lagu gudbiyo xogaha ay u baahan yihiin shacabka.
Matiangi ayaa sheegay in gudaha dalka ay hadda ka howlgalaan ugu yaraan 200 oo idaacado ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in la shaqaaleysiiyay 100,000 oo ah ciidamada booliska kuwaasoo la geeyay qaybaha kala duwan ee dalka.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiangi ayaa xilli uu qiimeynayay waxqabadka maamulka uu ka tirsan yahay ee Jubilee yiri.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in madaxweynaha uu ka soo baxay ballanqaadyadiisi