Booliska ayaa xabsiga u taxaabay sagaal tuhmane oo afar ka mid ah haween yihiin kuwaas oo qayb ka ahaa koox burcad ah oo falal dhac ka gaystay shan ismaamul oo ka mid ah 47-da dowlad deegaan ee uu wadanka ka kooban yahay
Agaasinka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay in eedaysanayaasha ay falal dhac iyo rabshado ka gaysteen qaybo ka mid ah dalka intii u dhexeysay 18-kii ilaa 27-kii bishii hore.
Howlgal qarsoodi oo ay sameeyeen saraakiil ka tirsan waaxda DCI-da ayay sagaalka qof ee burcadda ka soo kala qabteen labo xaafadood oo ka tirsan deegaanka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Waaxda DCI-da ayaa sheegtay in burcaddan ay falal dambiyeed ka gaysteen ismaamullada kala ah Nyeri, Laikipia, Kirinyaga, Embu iyo Nakuru.
Waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Henry Mburugu, Dennis Mwai, Stephen Ngaruiya, Joe Njeru Kennedy Mawira, Jecinta Wambui, Jackline Nyaguthie Njeri, Purity Wanjiru iyo Elizabeth Wanjiku.
Waxaa la soo taagay maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi si ay uga jawaabaan eedeymaha loo haysto ee burcadnimo.