DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo golihiisa wasiirrada ku bogaadiyay waxqabadkooda

0
375

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maanta xubnaha golaha wasiirrada ku ammaanay dadaalkii ay geliyeen u adeegidda shacabka.
Waxaa uu sheegay in tan iyo markii uu sanadkii 2013-kii qabtay hoggaanka wadanka , ay wasiirradu ka go’anayd gudashada waajibaadkooda shaqo sidaas awgeedna uu uga mahadcelinaya.
Mr.Kenyatta ayaa xusay inay sharaf u ahayd in mas’uuliyiinta hoggaamiya wasaaradaha kala duwan ay muddo toban sano ka mid ahaayeen maamulkiisa .
Munaasabad kooban oo saaka ka dhacday xarunta madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi ayuu Mr. Kenyatta ka sheegay inuu rajeynayo in muddo xikeedkiisa uu si nabad ah ku dhammaado bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu aad ugu kalsoon yahay in sanadihii la soo dhaafay uu dalka u horseeday horumar wax ku ool ah oo fursad siinaya madaxweynaha xilka kala wareegi doono si uu fulinta mashaariicda horumarineed uga sii wado halka ay hadda marayaan.

Madaxweyanaha dalka oo khudbad ka jeediyay xuska Madaraka Day ayaa soo hadal qaaday dayactirka lagu sameeyay xarunta Uhuru Gardens .
Waxaa uu tilmaamay in goobtaasi ay tahay mid taariikhi ah oo ay dowladda dib ugala wareegtay shakhsiyaad isku dayay inay dhacaan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ku dhawaad 10-kii sano ee uu xilka hoggaanka hayay uu wax badan ka qabtay dhinaca ammaanka , cadaaladda , maamul wanaagga iyo tacliinta.
Sidoo kale Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in horumar ballaaran laga sameeyay dhanka dhaqaalaha iyo kaabayaasha gaadiidka.
Dhanka kale madaxweynaha dalka Sierra Leone Julius Maada Bio oo marti sharaf ka ahaa dabbaal degga 59-aad ee ka soo wareegatay xilligii ay Kenya sanadkii 1963-kii qaadatay maamulka gudaha ka dib sanado uu guumaysanayay Ingiriiska ayaa xusay in labada dal ay ka wada shaqeynayaan xiriirka caalamiga, dalxiiska , ilaalinta duurjoogta, ganacsiyo iyo dhinacyo kale .