DHAGEYSO:Dugsiga gabdhaha ee Senior Ogle ee Habaswein oo xalay gubtay

0
320

Waxaa uu xalay fiidkii dab qabsaday dugsiga sare ee gabdhaha ee Senior Ogle Girls oo ku yaalla magaalada Habaasweyne ee deegaanka Koonfurta Wajeer.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan Habaasweyne Samuel Mutisya oo u warramay warbaahinta Star
Waxaa uu sheegay in dabku uu abaare 7-dii fiidnimo ee xalay qabsaday mid ka mid ah qaybaha ay ardaydu seexdaan oo uu gebi ahaan burburiyay balse lagu guulaystay in la damiyo sidaas awgeedna baaritaano la sameyn doono.

Waxaa sidoo kale arrintan ka hadlay Maxamad Barre oo ka mid ah guddoomiye xaafadeedyada Habaasweyne oo ardayda ku eedeeyay inay dugsiga gubeen.