Madaxweynaha Burkina Faso oo shaqada ka eryay ra’iisul wasaaraha dalkaasi

0
286

Madaxweynaha dalka Burkina Faso Roch Marc Christian Kabore ayaa lagu soo warramayaa inuu shaqo joojin ku sameeyay ra’iisul wasaarihii wadankaasi Christophe Dabire.
Madaxtooyada Burkina Faso ayaa bayaan ku sheegtay in madaxweyne Kabore uu helay warqad is casilaad ah oo uga timid Christophe Dabire.
Qoraalka waxaa ku cad in warqadaasi ka dib uu madaxweynaha Burkina Faso soo saaray dikreeto uu ku sheegaya in la soo afjaray waajibaadkii shaqo ee ra’iisul wasaaraha .
Dikreetada waxaa telefishinka dowladda ee dalkaasi ka akhriyay xoghayaha guud ee dowladda Stephane Wenceslas Sanou .
Dabire ayaa markii ugu horreysay noqday ra’iisul wasaaraha Burkina Faso horraantii sanadkii 2019-kii ka hor inta bishii koowaad ee sanadkan aan mar labaad xilkaasi loo magacaabin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dalkaasi ay ka jirto xasilooni darro lagu dilay kumanaan qof.
Waxaa amni darrada ka dhashay dibadbaxyo ay shacabka ku dalbanayaan in Kabore uu xafiiska banneeyo.
Tan iyo sanadkii 2016-kii waxaa Burkina Faso ka dhacayay weerarro ay gaysanayaan kooxaha Al-Qaacidda iyo ISIS oo lagu dilay ilaa 2,000 oo qof halka in ka badan hal milyan ay guriyahooda ka barakaceen.