Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheegay in musharraxiinta siyaasadeed aynan laga billaabo saqda dhexe ee caawa ka qaybgeli karin munaasabadaha lacag uruurinta.
Waxay tani micnaheedu tahay in qofka lagula xisaabtami karo hadii uunan amarkan u hoggaansamin.
IEBC ayaa sheegtay in qofkaasi loo aqoonsanaya inuu jebiyay xeerarka doorashooyinka waxaa uuna muteysanayaa in laga hor istaago inuu xil hoggaan u tartamo.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa xusay inay dhaqangelinayaan amarkan iyagoo cuskanaya xeer la ansaxiyay sanadkii 2011-kii sidoo kalena kaashanaya laamaha ammaanka oo ay ka midka tahay waaxda dacwad soo oogidda dalka.
Waxaa uu xeerkaasi ka hor tagayaa in qofka musharraxa ah uu codbixiyayaasha ku qanciyo lacagta uu bixiyay xilliga munaasabadaha noocan ah la qabanaya.
Xeerka waxaa ku cad in musharraxa uunan xafladahan ka qayb geli karin siddeed bilood ka hor xilliga codeynta oo loo qorsheeyay inay qabsoonto 9-ka bisha siddeedaad ee sanadka 2022-ka.
Mr.Wafula ayaa tilmaamay in ujeeddada laga leeyahay wada shaqeynta IEBC iyo hay’adaha kale ee dowladda ay tahay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado musharrixii aan nidaamka dastuuriga ee degsan ilaalin.
Hasa ahaate guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee dalka ayaa caddeeyay in siyaasiyiinta loo oggol yahay inay dhigtaan xaflado ay dhaqaale ugu raadsanayaan ololahooda.
Wafula Chebukati ayaa arrimahan ka hadlay xilli uu kulan la qaatay golaha qaran ee kaniisadaha dalka.
Shirkaasi ayaa diiradda lagu saaray sida guddiga IEBC uu ugu diyaar garoobayo maareynta doorashada guud ee sanadka dambe.
Guddoomiye Chebukati ayaa ugu dambeyn dhammaan saamileyda siyaasadeed ugu baaqay inay mas’uuliyad guud iska saaraan sidii lagu xaqiijin lahaa in Kenya ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.