Mas’uuliyiinta One Kenya Alliance oo kulan yeelanaya

0
433

Waxaa magaalada Nairobi ka billowday shir ay yeelanayaan siyaasiyiinta ku midoobay isbeheysiga la magac baxay One Kenya Alliance (OKA).
Kulanka waxaa ka qayb galaya xildhibaanada ka tirsan xisbiyada siyaasadeed ee OKA.
In kastoo aan faahfaahin laga bixin qodobbada shirka looga hadlaya waxaa la filayaa in xisbiyada sida Wiper, ANC, Ford-Kenya iyo KANU ay diiradda saaraan qorshahooda la xiriira doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Dhawaan ayay ahayd markii saddex ka mid ah siyaasiyiintan oo horay uga tirsanaa NASA ay sheegeen inay xisbiyadooda ka saarayaan isbeheysigaasi.