Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ilaa iyo hadda 302 qof ay ku dhinteen fatahaadihii bishii hore saameeyay bartamaha wadankaasi.
Wararka ayaa intaa ku daraya inay jiraan 47 ruux oo weli la la’yahay oo noolol iyo geeri midna aan lagu ogeyn .
Saameynta ugu wayn ee daadadka ayaa laga soo tabiyay magaalada Zhengzhou ee gobolka Henan halkaasi oo ay ku dhinteen 292 qof.