Dowladda oo xoojisay amniga Laikipia

0
390

Dowladda dhexe ayaa adkeysay ammaanka deegaan baarlamaneedka galbeedka Laikipia ka dib falal amni darro oo dhawaan halkaasi ka dhacay.
Guddoomiye ku xigeenka dowladda dhexe ku matalo deegaankaasi Hezron Nyamberi iyo dhigiisa Nyahururu Moses Murwoki ayaa waalidiinta ugu baaqay inay carruurtooda dib ugu celiyaan goobaha waxbarashada.
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in la howlgeliyay ciidamo dheeraad ah si ay u sugaan amniga.
Waxay ballanqaadeen in la badbaadinayo nolosha ardayda iyo macallimiinta wax ka dhigo ilaa toban dugsi oo ay saameeyeen falalka burcadnimo ee halkaasi ka jiro.
Iskudhacyada ayaa u dhexeya beeralayda iyo xoolo dhaqatada ismaamulka Laikipia.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i amar ku bixiyay in xoolo dhaqatada ay muddo toddobo cisho gudahood ah iskaga baxaan beeraha ay sida sharci darrada ah ku galeen.