DHAGEYSO:Odayaasha Rift Valley oo doonaya in xilka laga qaado William Ruto

0
781

Odayaasha gobolka Rift Valley ayaa ku baaqaya in si deg deg ah xilka looga qaado ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Waxaa ay ku eedeeyeen in dalka u kala qaybin ka wado islamarkaana uunan la shaqeyneen madaxweynaha dalka mr .Uhuru Kenyatta.
Waxay dhanka kale golaha sharci dejinta ka codsadeen inay sameeyaan mooshin xilka ay uga xayuubinayaan ku xigeenka madaxweynaha.
Odayaasha ayaa dhanka kale Ruto ugu baaqay in ololihiisa uu iska wato isagoo mucaarad ah balse dowladda uusan ka sii mid ahaan.