Dowladda Switzerland ayaa codbixiyayaasha dalkeeda ku boorrisay inay ka soo horjeestaan soo jeedin la xiriirta in gebi ahaanba la mamnuuco isticmaalka indha-shareerka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo 7-da bisha saddeexaad ee sanadkan lagu wado in wadankaas ay ka dhacdo afti wax looga beddelaya dastuurka.
Dowladda ayaa sheegtay in arrintan oo lagu dhaqaaqo ay saameyn ku yeelanayso dalxiiska.
Si isbeddel dhanka sharciga Switzerland loo sameeyo waxaa loo baahan yahay saxiixyo ah ugu yaraan 100,000 .