Turkiga oo amray in la soo xiro in ka badan 200 oo lala xiriiriyay afgembigii fashilmay

0
750

Dowladda Turkiga ayaa amartay in xabsiga loo taxaabo 238 qof oo lagu eedeynaya inay ku lug lahayeen iskudaygii afgembi ee sanadkii 2016-kii wadankaas ka dhacay.
Wakaaladda wararka ee Anadolu ayaa ku warramaysa in xukuumadda Ankara ay rumeysan tahay in shakhsiyaadkan ay xiriir la leeyihiin Fetxullah Gulen oo falkaasi loo tiiriyay.
Gulen ayaa horay iskaga fogeeyay inuu soo abaabulay inqilaabkii fashilay ee ay ku dhinteen 250 qof.
Waxaa tan iyo xilligaas gobollada kala duwan ee Turkiga ka socday howlgallo lagu raadinaya cid kasta oo arrinkaas lagu tuhmay.
Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Anadolu howlgalladdii ugu dambeeyay ee booliska dalkaas ayaa lagu xiray 160 qof.
Eedeysanayaasha waxaa ka mid ah 218 sarkaal oo ka tirsan ciidamada difaaca.
Ilaa iyo hadda waxaa gacanta lagu dhigay oo dacwado wajahaya 80,000 qof.
Sidoo kale waxaa shaqooyinkii ay hayeen laga eryay 150,000 dowladda Turkiga u shaqeynayay oo ay saraakiil militari ku jiraan.
Militariga Turkiga oo keliya waxaa laga saaray in ka badan 20,000 oo sarkaal.